Warbixin + Sawiro….. Seminar Muhiimada Tiknoolojiyada oo lagu Qabtay Jaamacada UCT.

Waxaa Maalinimadi Khamiista oo ay Taariikhda ku beegnayd 11 – July – 2019, xarunta dhexe ee Jaamacada ka Qabsoomay Seminar Free ah oo looga hadlayay Muhiimada Tiknoolojiyada (Importance of I.T).

Seminar ka oo ay Bixinaayeen Macalimin iyo Professors muddo ku soo dhex jiray caalamka Tiknoolojiyada ayaa waxaa ka soo qayb gashay arday u badan dhalinyaro ka soo qalin jebisay Dugsiyada sare ee Dalka isla markaana isku diyaarinaaya inay doortaan jaamacad ku haboon hamigooda wax barasho.

Dhamaan Kasoo qayb galayaasha ayaa muujinayay inay wax badan ka fahmeen macluumaad aysan hore ka fahamsaneyn Tiknoolojiyada ayaga oo qaarkood laga dheehanayay inay la dhacsanayeen habsami u socodka howlaha.

Jaamacada UCT oo ah hooyada jaamacadaha Tiknolojiyada Dalka ayaa u balan qaaday ardaydi iyo dhamaan ka soo qaybgalayasha in ay u qaban doonto Seminars kuwan oo kale si ay wax badan uga faa’idaan una fahmaan tiknoolojiyada.